U bood dhigaalka

Kooxda Farsamada Doorashooyinka Iyo Xubno Ka tirsan Q.M oo ka Wada-hadlay Doorashooyinka.

Sheeko:Dalka

Magaaalada Muqdisho waxa maanta oo Axada ah kulan ku yeeshay kooxda Farsamada Arrimaha doorashooyinka ee uu dhawaan Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha  xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno ka socday Q.M.

Inta uu kulankan socday waxa diirada lagu saaray isu duwidda howlaha lagu taageerayo qroshaha hirgelinta doorasho daahfuran.

Xubnaha  Qaramada Midoobay ayaa inta uu kulankan socday balanqaaday  in Guddigan ay kala shaqayn doonaan howlahooda ku saabsan hirgelinta arrimaha doorashooyinka.

Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay xiligan leedahay dar-dar gelinta hanaanka doorashada, maadama uu heshiiskii dhawawan lagu saxiixay magaalada Muqdisho dhigayay in muddo ku siman lixdan maalmood ay ku dhacdo doorashada.

Goobjoog News