U bood dhigaalka

Labo Carruur Ah oo Meydkooda Laga Helay Duleedka Baydhabo

Sheeko:Dalka

Meydadka labo caruur ah oo la la’aa ilaa shalay ayaa laga helay duleedka Baydhabo, sida ay weriyeyaal Goobjoog News u sheegeen waxaa lagala baxay kiliyaha.

Labadan caruur ee meydkooda la helay ayaa la sheegay in uu dhalay Xildhibaan hore oo katirsanaa Baarlamaankii sagaal oo lagu magacaabo Aweys Ibraahim, isaga oo shalay ka baafiyey idaacadda Baydhabo iyo baraha bulshada.

Lama oga sababta laakin waxaa aad u badan tacadiyada ka dhanka ah caruurta ee ka dhaca Baydhabo.

Maamulka Degmada Baydhaba oo aan la xiriirnay yaa inoo sheegay inay wali wadaan baaritaanka dhacdadaan ugubka ah waxa ayna sheegeen inay faahfaahin dhameystiran dib ka bixin doonaan.

Goobjoog News