Lafta-gareen Oo Magacaabey Guddi Soo Baara Dadkii Lagu Dilay Baydhabo

Madaxweynaha koonfur galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Lafta Gareen ayaa waxaa uu maanta magacaabay guddi xaqiiq raadis ah oo soo baraa rabashadihii Baydhabo ka dhacay 13-15-kii bishii hore.

Guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaaney warqadda ku qorneyn Mandate ama awood gaar ah oo la siiyey si ay howlaha u gutaan.

Nicholas Haysom, ergeyga qarmada midoobey ee Soomaaliya ayaa horay uga codsaday dowladda federaalka ah inay baarto dhacdada Baydhabo, laakin Muqdisho waxaa ka dalbatay inuu dalka ka baxo.

Cabdi Casiis Lafta-gareen ayaa lagu doortay doorasho muran badan ka dhashay oo ka dhacy Baydhabo 19-kii December 2018.

Akhriso:

Related Articles

One Comment

  1. Lafta Gareen caqligiisa waa qabaa. Ma aha nin la iibsan karo. Wuxuu ogsoon yahay in Baydhabo dad lagu laayay, dad la xirxiray,
    wuxuu ogsoon yahay inRooboow uu gardarro ku xiran yahay iyo awood sheegasho.

    Lafta Gareen wuxuu ogsoon yahay in beesha caalamka ay isha ku hayso oo uu jiri doono isla xisaabtan.

    Lafta Gareen ma doonayo in berri maxkamad caalami ah lagu soo taago dembiyada ka dhacay Baydhabo oo ay UN-ku
    ula socoto si’ weyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW