U bood dhigaalka

Lafta Gareen “Shirkii Garoowe Arrimo Muhiim Ah Ayaa Looga Hadlay”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka K/galbeed, C/casiis Lafta Gareen ayaa sheegay in shirkii fashilmay ee Garoowe uu isaga aragti ahaan qabo in uu ahaa mid wanaagsan oo arrimo badan looga hadlay.

Wuxuu sheegay in diiradda lagu saaray shirkaasi arrimaha ammaanka, qeybsiga Kheyraadka, Dastuurka, Doorashooyinka iyo la dagaalanka Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Lafta Gareen ayaa dhanka kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in ay mar kale dib u kulmaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

“Madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa federaalka ayaa isugu tagay Garoowe , waxaa laga wadahadlay arrimo badan, arrin wanaagsan bay ahayd in la kulmo inkastoo sidii la rabay aanu ku dhammaan, balse wuxuu aniga ila muuqdaa shir fiican, ajende badan ayaa looga hadlay, waxaana jecelahay in kulamo kale la isugu yimaada” ayuu yiri madaxweynaha K/galbeed.

Shir magaalada Garoowe muddo Lix cisho ah uga socday madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa fashil kusoo dhammaaday, kadib markii la isku mari waayey arrinta Galmudug.

Goobjoog News