U bood dhigaalka

Ma Runbaa in Soomaaliya Laga Diiday Ku Biirista Dalladda (EAC) Xilligii Kiiska Badda?

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo ku sugan magaalada Aruusha ee dalka Tanzania ayaa ka qeyb galay gabagabadii shirka dalalka ku midaysan dalladda Bulshada Bariga Afrika ee (EAC), iyadoo la arkayay calanka Soomaaliya uu ka dhexmuuqday calamada wadamada ku midoobay dalladda oo 7  ahaa ayuu 8 ku ahaa .

Soomaaliya ma dhabbaa in horay looga soo diiday dalabad ay ku gudbisay in ay kamid noqoto dalladdaan. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad oo la hadlay BBC-da ayaa meesha ka saaray in ay jirto in Soomaaliya horay looga diiday, waxaana la ogaa in sanadkii 2016-kii madaxweyne Xasan uu dalbaday in Soomaaliya ay qeyb ka noqota dalladdaan.

“Runtii ma ogi diidmo qayaxan oo Soomaaliya loo diiday inay ku biirto ururka waxaaba jirtay in sanadihii u dambeeyay ee sanadkii 2018 ilaa 2019 ay rabeen inay soo diraan guddi soo baara xaaladda Soomaaliya marka waqtigaa ma suurtagelin, Dowladda Soomaaliya ayay markaas dhankeeda ka socon weysay oo ka gaabisay” ayuu yiri wasiirkii hore arrimaha dibadda.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in arrinta ay uga gaabiyeen ay la xiriirto in markaas Soomaaliya iyo Kenya dhexdooda ka jiray kiiska muran badda oo aan lagu kala bixin, “Madaxweynaha Kenya ayaa markaas guddoomiye ka ahaa ururka, taas ayaana keentay in Soomaaliya ay diiddo guddiga loo soo diray.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirkii hore arrimaha dibadda DFS.

“Calamadii surnaa goobta kan Soomaaliyana wuu ku jiray, madaxweynaha markii uu codsiga gudbinyayna waxa uu kula kaftamay madaxweyneyaashii kale in calanka Soomaaliya uu halkiisaas ka sii taagnaado,” ayuu dhankiisa u sheega Cabdi Kariim Cali Kaar afhayeenka madaxtooyada Soomalaiya oo la hadaly BBC-da, kadib gabagabadii shirka magaalada Aruusha.

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta arko calankii Soomaaliyeed oo ka dhinac babbanaya calamada dalalka ku bahoobay dalladdan. Waxaan rajaynayaa in uu sidaas ahaado sanadaha soo socda. Soomaaliya waa dal aad hodan u ah. Waxa aanu leennahay khayraad, macdan, xoolo iyo beero. Intaas waxaa ka muhiimsan in aannu leennahay bulsho firfircoon oo ganacsiga ku fiican.” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka hadlay in calanka Soomaaliya lagu arkay madasha.

Goobjoog News