U bood dhigaalka

Maamulka Degmada Afgooye oo Walaac Ka Muujiyey Ayax Ku Degay Degmada iyo Nawaaxigeeda

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha degmada  Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose  Aweys C/llaahi Cumar Aweys Buulaloow, oo ka hadlay Ayax ku habsaday goboka, kaas oo hadda soo gaaray qeybo ka mid ah degmada ayaa walaac ka muujiyey saameynta uu ku yeelan karo  beeraha degmada kuwaas oo u badan Qudaarta iyo dalagyo kala duwan ee dalka.

Guddoomiyaha oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa wuxuu ka deyriyey xaaladaha ay wajahayaan beeraleyda gobolka, waxaa sidoo kale uu ka hadlay arrimaha fataahadaha oo gobolka in badan ku soo laab laabtay, waxaana uu intaas ku daray in qoysas ka badan 4000 ay halis ugu jiraan in ay ka barakacaan fataahadaha gobolka.

“Ayaxa Ceelasha biyaha ilaa Afgooye meel laga istaago malahan, dadka isku soconaayo cabsida ay ka qabaan korkooda ayuu taagan yahay, waxaanan waligey arag ayaa hadda Afgooye ka jirta. Fatahaadihii meeshii ay kala joogeen oo uu kasoo fataahaayey hadda waa uu ka sii tagay meel kale oo cusub ayuu barakiyey ilaa 6 Tuulo ayaa hadda laga barakacay gudaha magaladana waxaa laga barakacay xaafado” ayuu guddoomiyaha degmada Afgooye.

                                                       Halkaan hoose ka daawo wareysiga

Goobjoog News