U bood dhigaalka

Maamulka Farmaajo oo Ku Dhawaaqay Iney Gudagalayaan Doorashada Qaran

Sheeko:Dalka
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay hoggaamiyeyaasha maamullada Galmudug, Hirshabeelle Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir  ayaa sheegay in xukuumadda ay go’aansatay in la gudogalo doorashooyinka dalka.
Arrintaan ayaa timid kadib markii Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen  iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish, ay kulan la galeen madaxweyne Farmaajo.
Shir jaraaid uu qabatay ra’iisalwasaaraha ayaa lagu yiri” Xukuumadda federaalka waxaa ay go’aansatay in la gudagalo hirgelinta doorashooyinka si aan waqti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed, loogana fogaado wax weliba oo carqaladeyn kara fulinta heshiiskii dorashada lagu gaaray magaalada Muqdisho 17-kii Setembar 2020 .”
Ra’iisalwasaaraha oo sii hadlaayo ayaa yiri” Dhamaan waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed la wadaago, in maalmahaan dambe xukuumaddu dadaal badan gelisay sidii loo xalin lahaa kala aragti duwanaashaha arrimaha doorashooyinka dowlad goboleedyada iyo siyaasuiyiinta kale, ra’iisalwasaare ahaan markii aan golaha shacabka aan kalsoonida waydiisanaayey inaan dalka gaarsiiyo doorasho loo dhan yahay oo jawi nabdoon ku qabsoonta”
“Kulankii aniga iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor  aan ku yeelaanay Gaalkayo waxaan isla soo qaadnay inuu kaalin ka geysto wadahadallada lagu sidii xal waara loogu heli lahaa tabashooyinka ay qabaan maamul goboleedyada Jubbalaland iyo Puntland waxaana marar badan ku celiyey in albabadeyda u furan yihiin cid weliba oo tabasho qabto, waxaan diyaar u ahay inaan tixgeliyo had iyo goor”
Goobjoog News