Maamulka Gobalka Banaadir oo Sheegay inay Muqdisho Ka Bilaabeen Buufinta Coronavirus

Maamulka Gobalka Banaadir oo uu hor boodayo duqa caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa waxa ay sheegeen inay magaalada Muqdisho ka bilaabeen olo’ole caasimadda looga buufinayo cudurka Coronavirus ee saameynta ku yeeshay caalaka oo idil.

Booyada siday sunta looga hortago cudurka faafa ee Coronavirus ayaa lagu buufinayay qaar kamid degmooyinka gobolka Banaadir waxaana olo’olahaani daah-furkiisa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir Cumar Filish ayaa sheegay in maamulkiisa iyo xukuumadda dhexe ay isla garteen in xilliga habeenkii ah oo ay magaaladu bandowga tahay in guud ahaan magaalada Muqdisho laga buufin doono xanuunka COVID-19, waxaana intaas uu hadalkiisa ku daray inay sii wadi doonaan wax kasta oo cudurkaan looga hortagi karo.

Cudurka Coronavirus ayaa haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya maadaadama wasaaradda caafimaadka dalka ay xaqiijiyay tirade guud ee dadka laga helay cudurkaan inay gaarayaan 237 qof halka ay Soomaaliya xanuunkaan ugu geeriyoodeen 7, waxaana wasaaraddu ay sidoo kale sheegtay in COVID-19 ay ka bogsatay 3 ruux.

Goobjoog News

Related Articles

9 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW