U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Gedo Oo Ka Horyimid Guddi Uu Ra’iisul wasaare Rooble Magacaabay

Sheeko:Amniga

Maamulka gobalka Gedo ayaa walaac ka muujiyay guddiga ra’iisulwasaaraha uu u xil saaray in ay soo qiimeeyaan magaalada Garbahaarreey iyo xaaladeeda amni.

Guddoomiyaha gobalka Gedo oo garab dhan la ah Farmaajo, ayaa sheegay in guddoomiyaha guddiga xal u helidda xaaladda Gedo Avv. Cumar Maxamed ku eedeyay in uu yahay nin aad looga neceb yahay gobalka sida uu hadalka  u dhigay Guddoomiye Axmed.

” Ninka la yiraahdo Avv. cumar dhageey illaa iyo hadda meel uu ka socdo iy howl uu qabanayo iyo door uu ku leeyahay doorashada ma garanayo, laakiin waxaan garanaynaa ninka uu yahay Cumar Dhageey waa nin fidna badan, waa nin isku dhufasho badan” ayuu yiri guddoomiyaha gobalka Gedo Axmed Buulle Garaad (Canjeex).

Canjeex ayaa sidoo kale yiri ” Waxa uu kamid ahaa ragga fidnoolayaasha ah aad baa loo yaqaana dadka la soo shaqeeyay iyo dadkuu madaxda u ahaaba ninka asiga ahaa ayaad noosoo dirtay meeshaas marka meel aad nabad ka rabto  ama in ay ka dhacdo doorasho aad ka rabto ra’iisul wasaare ma ahan”

Axmed Buulle Garaad (Canjeex) ayaa sidoo kale sheegay in guddoomiyaha guddiga xal u helidda xaaladda Gedo Avv. Cumar Maxamed uu yahay shaqsi aanan jecleen dadka gedo.

“Cumar dhageey dadka reer gedo waa nin aad u neceb waa nin aanan jeclayn waa nin fidnadiisa dhibaatadiisa umadda Soomaaliyeed ay xogogaal u tahay waaye” ayuu intaas hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha gobalka Gedo.

Ra’iisulwasaaraha Jamhuuriyadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalin ka hor magacabay guddi ka kooban 7 xubnood kuwaas oo loo xil saaray xal u helidda iyo qiimaynta arrinta gobalka gedo.

Magaalada Garbahaarreey ee gobalka Gedo ayaa lagu wadaa in lagu doorto 16 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Goobjoog News