U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Ayaa Kulan Dhiirigelin Ah U Sameeyay Ciyaartooyda Iyo Macallmiinta Gobolka,Iyagoo U Rajeeyay Guul Iyo Horomar

Sheeko:Cayaaraha

Maamulka Isboortiga Gobolk Banaadir ayaa kulan dhiirigelin u sameeyay ciyaartooyda matalaysa Gobolka ee markii ugu horeesay soo gaartay heerka ugu danbeeya tartanka kubbadda cagta Mamaul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda iyo Agaasimaha Waxaada arrimaha bulshada Gobolka Banaadir Maxamed Cantoob ayaa ciyaartooyda Gobolka ku adkeeyay in ay ilaaliyaan magaca Gobolka,isagoo sheegay in ay u qalmaan hanashada koobka Maamul Goboleedyada iyo Banaadir 2020.

Agaasimaha Waxaada Socdaalla iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale Koofi ayaa taageerayaasha iyo ciyaartooyda kuka dardaarmay in ay ilaaliyaan anshax,taasna ay nuhiim u tahay xasliloonida ciyaarta Gobolka Iyo Galmudig.

Guddoomiye Ku xigeenka  Arrimaha Bulshashada Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Sheegti ayaa bogaadisay da’daalka ay soo bandhigeyn ciyaartooyda Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Banaadir mudane Cali Maxamed Wardheere (Cali Yare) ayaa ciyaartooyda Gobolka Banaadir u balan qaaday abaal marino qaali ah hadii ay ku guulaystaab tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

Daawo Warbixin Ku Saabsan Dhiirigelinta Loo Sameeyay Kooxda Gobolka

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle