U bood dhigaalka

Maamulka Magaalada Cadaado oo Ka Warbixiyay Dad La Sheegay inay COVID-19 ugu Geeriyoodeen Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud Cabdulaahi Cabdiraxmaan Tootoole oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa waxa uu sheegay in inta badan dadka ku nool magaalada ay dareemayaan xanuun kaas oo ka duwan hargabka waxa uuna sheegay in cudurka COVID-19 uu soo gaaray degmaddiisa isaga oo tilmaamay in dad isugu jira dhalinyaro, dhexdhexaad iyo odoyaal uu soo ritay xanuunka.

Cabdulaahi Tootoole ayaa sidoo kale xusay inay jiraan dad xanuunka ugu geeriyooday isbitaalada magaalada Cadaado kuwaas oo isugu jira dad ay da’doodu kala duwan tahay.

“Wey isku jiraan hadda habeen hore oo kale isbitaalka dadkii ku geeriyooday dad da’ ahna wey ku jireen dad sano 40 la mid ahna wey ku jireen dad ka waa weyna wey ku jireen, dad dhalnyaraa oo badan oo dhibaateysan anaaba aqaan malahan da’ gooni ah laakiin dadka uu dhibaatada ugu badan ku haayo qofba qofkii ka weyn yahay waaye” ayuu yiri guddoomiyaha Degmada Cadaado.

Cabdulaahi Tootoole ayaa carabka ku dhuftay in cudurka uu magaalada ku soo galay qaab u ek hargabka oo kale isaga oo sheegay in markii dambe uu ka daray islamarkaana ay dad badan dhul yaal noqdeen waxa uuna hadalkiisa ku sii daray in guri kasta oo ku yaalla Cadaado laga helayo labo qof ama saddex qof oo xanuunka qabta.

“Markii hore Cadaado waxa uu ku soo galay hargabaa I haaya madaxaa I xanuunaya qandhaa I heysa qufac yaroo aan iga soo go eyn ahaa I haaya markey xoogaa geed kuleyl isticmaalaan wey iska reysan jireen laakiin markii dambe wuu soo darnaaday dadka aad ayey ula dhul dhacayaan aadey ugu dhibaatoonayaan haddane dad waa weynoo badan oo culumaa magaalaada laga yaqaan qaarkoodana ay hadda soo galeen iyo dad odoyaala ayaa isbitaalka u yaal. Guri Walba Oo Cadaado Ku Yaala Laba Ama Sedex Qof Oo Xanuunsan Ayaa Laga Helayaa” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa degmada Cadaado waxaa laga soo warinayay in dad qaba xanuunka COVID-19 ay ku geeriyoonayeen gudaha degmaddaasi.

Halkan ka daawo wareysiga

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/299174594418391/?t=92

Goobjoog News