U bood dhigaalka

Maamulka Puntland oo Kordhinaya Goobaha Lagula Tacaalayo Xanuunka Coronavirus

Sheeko:Dalka

Maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni ee Puntland ayaa waxa uu kordhinayaa goobaha caafimaad ee loogu talagalay in lagula tacaalo cudurka Coronavirus ee dunida oo idil saameeyay.

Guddiga ka hortagga xanuunkaan ayaa waxa ay sheegeen inay ka go’an tahay sidii ay u kordhin lahaayeen goobaha dadka isaga shakiya COVID-19 ay tagi lahaayeen, waxaana guddigu uu hoosta ka xariiqay in arrinkaasi ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhaqaaqi doonaan.

Waxaa ay guddigaan wadaan dadaallo ay ku doonayaan inay ku xakameeyaan cudurkaan sidoo kalane ay uga hortagaan COVID-19, iyada oo aysan jirin wali kiisas la xiriiira xanuunkaan oo deegaanada maamulka puntland laga diiwaan galiyay.

Horey dowlad goboleedka Puntland ayaa u soo saartay awaamiir ku aaddan in dadku aysan isku imaan Karin islamarkaana waxaana deegaannada maamulkaasi lagu soo rogay bandow habeenkii ah si looga baaqsado faafitaanka COVID-19.

Goobjoog News