U bood dhigaalka

Maamullada Taageersan Dowladda Federaalka oo Kulan La Qaatay Wakiilada Beesha Caalamka

Sheeko:Dalka

Maamullada taageersan dowladda federaalka ee kala ah Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa la sheegay inay kulan la qaateen wakiilada beesha caalamka ee loo yaqaan C6+ iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka oo meel adag mareysa.

Kilanka waxaa la tilmaamay inuu qabsoomay ka dib markii uu fashil ku soo dhamaaday shirkii maalmihii la soo dhaafay u socda madaxda dowladda federalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada oo lagu daray maamulka gobalka Banaadir, waxaana Galmudug, Hirshabeelle iyo Konnfur Galbeed ay la wadaageen beesha caalamka wixii keenay inuu fashilmo shirkii Afisyooni.

Wararka qaar ee la helay ayaa sheegaya in madaxda taageersan dowladda federaalka ay beesha caalamka la wadageen in fashilka shirkii Afisyooni ay ka danbeeyeen madaxda Puntland iyo Jubbaland waxa ayna sidoo kale dalbadeen in la fasaxo oo ay dib ugu laabtaan deegaannadooda.

Shirkii Afisyooni ee u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa fashilmay waxa ayna xukuumaddu fashilka shirka ku eedeeyay Saciid Deni iyo Axmed Mmadoobe.

Goobjoog News