U bood dhigaalka

Machadka Hiraal: Dilalka Qorsheysan iyo Weerarka Bustooladaha oo Batay 4-tii Bil ee Tagay

Sheeko:Dalka

 Machadka arrimaha amniga wax qora ee Hiraal oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa qoraal 4 bille ah uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in ay kordheen dilalka qorsheysan ee dhacay bilihii tagay ee sanadkan marka loo eego dhiggooda sanadkii hore.

Dilalka shirqoolka ah waxaa ay quaterka hore ee sanadkan ku sheegteen 47 oo ka dhigan kor u ka coo 33 aheyd xilligan oo kale sanadkii hore.

Sidoo kale waxaa la sheegay iney jireen weerarada tooska ah, bambooyinka, kuwa qaraxyada iyo noocyada oo dhammaan ay Al-shabaab horay u isticmaali jireen.

Qoraalka waxaa ku jiray in 15-kii bil ee tagay ay hoos u dhacday taktikada iyo dilalkii badnaa ee Al-shabaab oo hadda bustoolado adeegsadaan.

Al-shabaab waxaa weli ay si joogta ah u bartilmaameedsanadaan sida ay u kala horeeyaan  ciidamada xoogga dalka, AMISOM, booliiska, shaqaalaha rayidka ee dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada iyo odeyaasha dhaqanka.

Waxaa ku jira qoraalkiinna in Al-shabaab weerarada ugu badan ee lagu qaado ay yihiin kuwa duqeybta Mareykanka iyo waxyar oo Danab iyo Gorgor ah.

Warbixinta ayaa imaaneysa iyada oo uu fashilmay qorshihii amniga ee lagu soo heshiiyey shirkii London 2017-kii iyo iyada oo dhowr bil ka hor doorasho guud oo la filayo iney Soomaaliya ka dhacdo, waxaana shaki weyn ku jiraa sugidda amniga deegaannada doorashada, ergada iyo murashaxiinta.

Waxaa kale oo aan weli muuqan qorshaha ka dhan ah Al-shabaab ee maamulka Farmaajo oo horay u balanqaaday in 2 sano kusoo afjari doonaan.

Goobjoog News