U bood dhigaalka

Madasha Guddoomiyeyaasha Gobollada Dalka oo Muqdisho Lagu Qabtay

Sheeko:Amniga

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Macllim Fiqi ayaa maanta muqdisho daahfuray kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya.

Kulanka waxana ka qeyb galayaan 19 Maayir oo ka kala socda gobollada dalka ayaa lagu soo badhigi doonaa horumarka, caqbadaha iyo arrimo kale, waxaana khudbooyin kookooban ka jiiyey mas’uuliyiin kale duwan.

Madashaan ayaa waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha federalka iyo dib u heshiisiinta, inta uu socdo ayaa looga hadli doonaa arrimo dhowr ah oo ku aadan hormarinta magaalooyinka dalka.

Guddoomiyayasha  degmooyinka ee kala duwan ee dowlad goboleedyada iyo qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay madasha.

Goobjoog News