U bood dhigaalka

Madasha Xisbiyada Qaran oo War Ka Soo Saartay Dib U Dhaca Ku Yimid Shirweynahoodii

Sheeko:Dalka

War qoraal ah oo ka soo baxay madasha xisbiyada qaran ayaa waxaa dib loogu dhigay shirweyne ay isugu imaan lahaayeen madaxda ku bahoobay madashan oo ka kooban lix xisbi.

Madasha xisbiyada qaran ayaa sheegtay in iyagoo tix galinaya daruufaha dalka ka jira ee ku aaddan xanuunka COVID-19 ay dib ugu dhigeen kullankaasi.

Sidoo kale madashu waxa ay ka dhawaajisay inay dib ka soo sheegi doonaan waqtiga iyo goobta uu ka dhici doono shirweynahaasi haatan dib loo dhigay.

Madashaan ayaa lagu soo dhisay dalka turkiga horraantii Maarso iyago oo ku heshiiyay inay noqdaan hal xisbi oo leh ujeed siyaasadeed.

Halkaan ka akhriso qoraalkooda

Image may contain: text

Goobjoog News