U bood dhigaalka

Madaxda Maamulka Hirshabeelle oo Ku Biiray Howlgallada Hiiraan, Deeqna Gaarsiiyay Maxaas

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle  Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta hogaaminayay howlgallada kasocda gobolka Hiiraan, kaas oo ciidanku ay kawadaan deegaanno hos taga Waqooyiga gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in howlgaladaan ay socon doonaan ilaa laga ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee dadkeena dhibaatada ku haysa, mas’uuliyiinta  ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan oo meel uga soo wada jeestaan la dagaalanka alshabaab sida ay hadalka u dhigeen.
Cali Guudlaawe  iyo  Ku Xigeenka  ayaa maanta sidoo kale qeybiyay gargaar raashin ah oo ay ugu deeqeen ku dhowaad 500 oo qoys oo danyar ah oo ku nool degmada Maxaas, qaarkoodna ay ka soo barakaceen deegaannada hoos yimaada degmada oo howgallo ay ka socdaan ka dhan ah Al-shabaab.
Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa maalmahaan u jooga degmada maxaas u kuurgalka xaaladaha nololeed ee ka jira degmada maxaas oo Al-shabaab ay ka jareen anteenooyinka shirkadaha isgaarsiinta, sidoo kalana ay kusoo barakaceen qaar kamid ah dadkii deganaa tuulada Taadeen.
Goobjoog News