U bood dhigaalka

Madaxwayne Biden oo Booqasho Ku Tagay Japan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha wadanka Maraykanka Joe Biden ayaa maanta Isniin ah gaaray dalka Japan, waxaana halkaas si diiran ugu soo dhoweeyay Ra’iisulwasaaraha Japan Fumio Kishida, waa lmarkii labaad oo madaxweynaha Biden uu ku tagay Asia kadib markii madaxweynaha Maraykanka loo doortay 20-kii January 2021-kii.

Biden ayaa waxaa la sheegay inuu labo maalmood  halkaas uu  joogi doona, waxaa lagu wadaa inuu maanta oo Isniin ah la kulmo Ra’iisal Wasaaraha Japan, Fumio Kishida iyo boqorka dalka, Naruhito, waxaana inta uu jooga madaxda dalkaas arrimo la xiriira dhaqaalaha, iyadoo Maraykanka dhaqaalihiisa uu saameeyay Karoona Virus.

Waxa uu sidoo kale horumarin doonaa hindisaha ganacsi ee dalalka badan ku jiraan. Talaadadana waxa ay is arki doonaan hogaamiyeyaasha India, Australia, iyo Japan, waa shirmadaxeed ay yeelanayaan afartan waddan oo ka wada tirsan ururka Quad, kaas oo la aas aasay 2007, ka hor intaan la hormarin 2017-kii.

Biden ayaa ka degay gegida dayuuradaha Yokota oo ah xarun ciidan oo ku taalla duleedka Tokyo, ka dib labo maalmood oo uu ku soo qaatay dalka K. Koonfureed. Socdaalka Korea-da Koonfureed ayaa ahaa mid hoosta ka xariiqaya in Maraykanka ay ka go’an tahay inuu dhaqaale galiyo gobolkaas.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sii saadaaliyey in K. Woqooyi ay tijaabin doonto gantaalada hubka nuclearka qaadi kara iyo bambooyin inta madaxweynaha Maraykanku uu gobolka booqanayo. K. Woqooyi ayaa iska dhago tirtay dadaal ay Washington ku doonaysay inay xiriir kula sameyso.

Goobjoog News