U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug oo Cadaado Lagu Soo Dhoweeyey

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cadi Kaariye ayaa maanta  gaaray Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud,

Madaxweynaha iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa soo dhaweyn loogu sameeyay Afaafka hore ee Madaxtooyada, waxaana soo dhoweyntiisa ka qeyb qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada.

Madaxweynaha ayaa waxaa saarkiisa ku wehlinaayey, qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada sida wasiirka Dekadaha iyo kalluumaysiga, iyo wasiirka Bey’ada iyo hormarinta reer miyiga, saraakiil ciidan.

Madaxweynaha ayaa maalmahaan safarro ku marayey gobolada Mudug iyo Galgaduud, waxaana la filayaa inuu gaaro magaalooyinka Cabudwaaq iyo Xeraaro.

Madaxweynaha ayaa tan iyo markii la dooratay waxaa ay tahay safarkii ugu horeysay uu kula bixiyo deegaannada Galmudug, si uu ugu kuurgalo xaalada ka jiro deegaanada  Galmudug.Image may contain: 5 people, people standing, sunglasses, beard and outdoor

Image may contain: 5 people, people standing, sky and outdoor Image may contain: 6 people, people standing and outdoor Image may contain: 8 people, people standing and outdoor Image may contain: 6 people, people standing and outdoor Image may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: 12 people, people standing, beard and outdoor Goobjoog News