U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Beledweyne Kula Kulmay Odayaasha Dhaqanka

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha dawlad goboleedka Hirshabeelle mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magaaladda Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka jawiil, isagoo kala hadlayay dar-dar galinta arrimaha Dib u heshiisiinta ka socota Gobolka Hiiraan, iyo in odayaasha iyo waxgaradka ay ka shaqeeyaan xoojinta Nabadda iyo Dib u heshiisiinta.
Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Jawiil ayaa uga xog waramay Madaxweynaha xaalada nololeed ee shacabka ku nool deegaanka Jawiil iyagoo ka codsaday Madaxweynaha in laga hirgeliyo deegaankaasi mashaariic horumarineed.
Wasaaradda Dib u Heshiisiinta iyo Maamulada Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa ku howlan dar-dar galinta Barnaamijka Dhab u heshiisiinta Guud ahaan Deegaannada Hirshabeelle.
Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magaalada Beledweyne kula kulmay Guddiga Xalalka Waara ee Heerka wasiir iyo Guddiga Ganacsatada Beledweyne, isagoo kala hadlay dar-dargalinta Howlaha Ka hortaga Fatahaadaha, waxaana madaxweynaha uu guddigu amray si deg deg ah in loo fuliyo Mashruuca Biyo xireenka Beledweyne.
 Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Hirshabelle Jaamac Xuseen Jaamac Xaashi, oo si faah faahsan kaga hadlay qorshaha la xiriira fulinta Mashruuca Biyo Xireenka, Sidoo kale ingineerada ka shaqeynaya fulinta mashruucani, ayaa shirka ku soo bandhigay sida ay u diyaariyeen Howlaha farsamada ee la xiriira Biya Xireenka.
Goobjoog News