U bood dhigaalka

Madaxweynaha Kenya oo Muqdisho Lagu Soo Dhoweeyay

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka mdane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka kusoo dhoweeyay Wafdi ka socday dalka Kenya uu hoggaaminayo madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxaana wafdigaan lagu wadaa in ay ka qeyb galaan caleemo saarka madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa kamid ahaa madaxdii siweyn u soo dhoweysay guushii doorashada dalka ee madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana sanadadii dambe xumaa xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, waqtigii uu talinayay  Farmaajo madaxweynihii hore ee dalka oo khilaaf soo kale dhex galay.

Madaxweyne Kenyatta ayaa horay u sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay in madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ay si dhow ula shaqeyn doonto, waxaana la ogeyn in dowladda Soomaalaiya ay dib u fasixi doonto duulimaadyadii Khaadka oo lagu joojiyay khilaafka Kenya iyo Soomaaliya.

Goobjoog News