U bood dhigaalka

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga Oo Wada Hadlay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan ayaa ka wada hadlay hannaanka iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo halis caafimaad oo xooggan ay ku xeeran tahay dalkeenna.

Dowladda Turkiga ayaa mar walba oo dhibaato ay ka dhacdo Soomaaliya waxa ay u muujisaa garab istaag iyada oo haatan dowladda federaalka ay la daala dhaceyso xanuunka safmarka ah ee Coronavirus.

Tirada guud ee xanuunka COVID-19 ee laga diiwaan galiyay gudaha Soomaaliya ayaa haatan cagacageynaysa 300 oo kiis.

Goobjoog News