U bood dhigaalka

Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Maanta Furay Kal Fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland

Sheeko:Dalka

Munaasabad lagu daah furayay kal fadhiga 2-aad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta waxa ay ka dhacday magaalada Kismaayo oo xarun ku meel gaar ah u ah maamulkaasi, waxaana munaasbadaasi daahfuray Axmed Madoobe hogaamiyaha Jubbaland.

Munaasabadda oo inta badan ay soo xaadireen mudanayaasha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay ujeedkeedu ahaa in uu dib u howlbilaabo baarlamaanka maamulkaasi oo muddo fasax ku maqnaa.

Axmed Maxamed Islaam Madoobe madaxweynaha Jubbaland oo goobta munaasabadda  ka hadlay ayaa eedeymo kala duwan waxa uu u jeediyay madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah saxiibada Soomaaliya.

Baarlamaanka Jubbaland ayaa fasax ahaa muddo saddex bil ah, waxaana maanta wixii ka dambeeya ay yeelan doonan kulamadoodii caadiga ahaa.

Goobjoog News