U bood dhigaalka

Madaxweyne Biixi oo Ku Siijeeda Djabouti

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi iyo Wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka waxaa ay ka anbobaxeen garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa, iyaga oo ku sii jeeda wadanka Djabouti, waxaana lagu wadaa in ay halkaas kaga qeyb galaan wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo ay xubno ka yihiin Guddoomiyaha golaha Guurtida,  Saleebaan Maxamuud Aadan, Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon), horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga,  Siciid Sulub Maxamed, Ganacsiga, wershadaha iyo Dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad Saajin , Ergayga gaarka ah ee wada-hadallada Somaliland, Marwo Edna Aadan Ismaaciil.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon), safarka wafdiga ka hadlaayo ayaa yiri “Saaka waxan halkan Isku soo taagay inaan idiin sheego inuu dalka ka ambobaxayo wefdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, weftigaasina waxa uu u baxayaa dalka Jabuuti, waxana madaxweynaha ku wehelinaya guddoomiyaha golaha guurtida, Afar wasiir iyo Edna Aadan Ismaaciil oo ah Ergayga gaarka ah wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Weftigaasi waxa uu u baxayaa inuu ka qaybgalo shir lagu casuumay oo ay soo qabanqaabiyeen dawladaha Jabuuti iyo Maraykanka, islamarkaana ay kasoo qaybgelayaan madax kale oo badan oo uu kamid yahay Ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya, waxana shirkaas la isugu keenayaa Somaliland iyo Soomaaliya.”ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon),

Waxaa maanta lagu wadaa in wadanka Djabouti uu ka furmo wajiga koowaad wada hadallada Soomaaliya iyo Soomalailand oo ay garwadeen ka tahay dowladda Mareykanka, waxaana xusid mudan in goordhow uu magaalada Muqdisho ka anbobaxay wafdi uu hoggaaminaayey madaxweyne Farmaajo oo ka socda dhanka Soomaaliya.

Goobjoog News