U bood dhigaalka

Madaxweyne Cabdi Qaasim: Haddii Dowladdu Wax Ka Qaldan Yihiin Halla Toosiyo

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii TNG-da Cabdiqaasim Salaad Xasan oo talaaladii magaalada Qaahira kula kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullah Farmaajo ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xaaladda dalka, sidii wax loo qaban karo, isaga oo intaa raaciyey inuu ka xun yahay dhibaatada dalka heysata iyo baa’ba la baa’binayo dadka.

Dhinaca kale mudane Cabdi Qaasim Salaad waxaa uu ka hadlay siyaasiyiinta isaga oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri “ Siyaasi ma ah arrintiisa tahay kursi doon  uun keliya, siyaasiga waa inuu nqodaa mid wanaagga dalka u dagaalamaya, ha la is garab taago dowladdii tilaado iyo midda hadda taagay, hala toosiyo, haddii wax ka qaldan yihiin hala toosiyo, oo halala taliyo, gacan iyo gabar hala siiyo, dalka si uu uga gudbo xaaladda uu ku jira hala shaqeeyo.

Mudane Cabdiqaasim waxaa uu ahaa madaxweynihii 5aad ee Soomaaliya, isaga oo talada hayey 2000-2004-tii, waxaa ay dowladdiisa aasaas u noqotey geedi socod soo bilowday wagaas, weliba socda.

Goobjoog News