U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo DF Ku eedeeyay inay Colaad Ka Hurineyso Soomaaliland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni oo la hadlay BBC-da ayaa waxa uu soo hadal qaaday wadahadallada dowladda dhexe iyo maamulka Soomaaliland waxa uuna tilmaamay in waddada haatan ay hayso dowladda federaalka ah aysan ahayn mid toosan oo xal looga gaari karo khilaafka u dhaxeeya labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale dowladda federaalka ah ku eedeeyay inay deegaannada Soomaaliland kawaddo waxyaabo sababi kara qalalaase dagaal isaga oo intaas ku daray in xukuumadda hadda jirta ay waddo heshiisyo hoose oo aysan iyagu wax wara kala socon waxyaabaha dhacaya.

“Waddada hadda aan maqlayo oo la leeyahay dowladda federaalka ah ayaa waddo waddo saxsan iilama muuqato mana ahan middii xalka lagu gaari karay horeyna waan u sheegnay mowqifkeenna cidda hadda ugu muhiimsan oo Soomaaliland ay wax kala dhaxeeyaan waa Puntland wax aan kala socono waxyaabaha dhacaya ma jiraan, waxaan maqlaynaa in xukuumaddu ay si hoose u waddo oo dhici kara inay dagaallo sababaan” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Dhanka kale Saciid Deni ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aan laga tala gelin wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland balse waxa uu xusay in ka maamul ahaan ay howlaha masiirigi ah uga dambeyn doonaan dowladda federaalka ah oo ay qeybta ka yihiin waxa uuna intaas raaciyay in haddii laga talo geliyana ay kaalintooda ka qaadan doonaan.

“Ma rabnoo in dowladda federaalka ah wax ay leedahay aan innagu qaadanno arrimaha ku saabsan masiirka dalka waxaan uga dambeynaynaa in dowladda federaalka ah ay hoggaamiso laakiin waxaan diyaar u nahay inaan qeyb ka ahaanno” ayuu ku sii daray Saciid Deni.

Wadahallada Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa soo bilowday tan iyo dowladdii ku meel gaarka ahayd ee uu hoggaamin jiray madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ilaa iyo haddana ma jirto guulo laga gaaray wadahadalladaasi.

Goobjoog News