U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Wasiirro Kamid Noqonaya Xukuumaddiisa

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 40 ee 10-ka September 2022, kaas oo ku saabsan magacaabid wasiirro ka tirsan golaha xukuumadda maamulka  Puntland, kuwaas oo gaaraya ilaa sedex xubnood oo wasiir ku-xigeenno iyo wasiiru dowle isugu jira, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5aad.
Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.
Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.
Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland
1. Waxaa Cabdifataax Maxamed Cabdinuur loo magacaabay Wasiiru- Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland.
2. Waxaa Maxamed Cabdirisaaq Dayib loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
3. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
Goobjoog News