U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Muqdisho Lagu Soo Dhoweeyay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa  soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana  si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka Aadan Cadde, waxaana qeyb ka ahaa soo dhoweyntiisa mas’uuliyiin ka tirsan goloyaasha dowladda federalka.

Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa safarkooda waxaa uu ku qotomaa ka qeybgalka xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya , Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo Berrito ka dhacaysa Muqdisho, waxaana ay qeyb ka yihiin martida lagu casuumay munaasabadda.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa maanta soo gaaray wufuud kale duwan , kuwaas oo u jeedkoodu yahay ka qeyb galka xalafladda lagu wado in barri lagu caleemo-saaro madaxweynaha dalka, taas oo maalinta barri ah ka dhici doonta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Goobjoog News