U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo oo Jibouti Uga Mahadceliyey Marti-gelinta Wadahadllada Soomaaliya iyo Somaliland

Sheeko:Dalka

Madaxweynahadowladda federalka Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland  ayaa tilmaamay maamuuska walaaltinimo ee ku xeeran wadahadalladan iyo himilada shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan horumarka, nabadda iyo midnimada.

Madaxweyna Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey  Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Jabuuti marti gelinta shirkan, isaga oo ku bogaadiyey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya  Abiye Axmed, Safiirka Dowladda Maraykanka  Doland Yamammoto, Urur Goboleedka IGAD iyo Midawga Yurub kaalintooda dhiirri gelineed ee ku aaddan qabsomidda shirkan taariikhiga.

“Labaatan sano kahor maanta oo kale, dib u curashada Qaranka cusub ee Soomaaliya waxaa lagu yegleelay halkan Carta ee Jabuuti oo uu hoggaamiye u ahaa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kaas oo martigaliyey shirkii dib u heshiisiinta ugu weynaa ee Soomaali loo qabto kaas oo dhabbaha u xaaray dowladihii is xig xigay ee Soomaaliya, maanta, dhab ahaantii waxaa qormeysa taariikh kale.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sii hadlayo ayaa yiri “Halkan waxaan maanta u joognaa in aan furno wadahallada taariikhiga ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo mudada dheer la sugayey si aan uga xaajoonno mid ka mida qodobada udub dhexaadka u ah si loo gaaro nabad waarta iyo barwaaqo ay helaan bulshadeenna.”ayuu ku soo koobay hadalkiisa.

Waxaa waddanka Jibouti weli ka socda shirka wada hadallada Soomalaiya iyo Soomaaliland oo ay garwadeenka ka yihiin dowladaha Mareykanka, Jibouti iyo Itoobiya, iyadoo manta la filaayo in la magaacabo labo guddi farsamo, kuwaas oo halkooda ka siiwado wadahadallada labada dhinac, waxaana xusid mudan in mowqufka laboodu aad u kala fog yahay marka la eego khudbaddii uu shalay jeediyey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Goobjoog News