U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo oo Saxaafadda Soomaaliya u Balanqaaday in aan Loo Isticmaalin Xeerka Ciqaabta 1964

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa axaddii oo dunida iyo Soomaaliyaba  laga xusayey maalinta xorriyadda saxaafadda waxaa uu ballan qaaday in xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee duugoobay ku sameynayo dib u eegis, isaga oo intaa raaciyey inuusan ku habboonayn in lagu maxkamadeeyo wariyeyaasha, xukuumaddiisuna ay ka shaqeynayso sidii looga gudbi lahaa inaan xeerkaas loo adeegsanin wariyeyaasha taasoo u baahan in la sameeyo dib u habeyn garsoor. Xeerkaas waxaa la meel mariyay 1964tii, kamana turjumi karo duruufaha maanta ee dalku ku sugan yahay.

Madaweyne Farmaajo waxaa uu ka hadlay in maamulkiisa aanu u dulqaadan doonin in saxaafadda loo aamusiyo fikir siyaasadeed kana hortagi doonno dhib kasta oo loo geysanayo.

Haddii Farmaajo uu go’aankaas ka dhabeeyo, waa in la joojiyo dhammaan dacwadaha ku socdo saxafiyiinta ee xeerkan loo cuskaday xataa ka hor inta aan la geyn aqalka baarlamaanka federaalka ah, loona aqoonsado dambi in saxaafadda loo isticmaalo xeer ceebeedkaas.