Madaxweyne Farmaajo Oo Shacabka u Diray Hambalyo ku Aaddan Munaasabadda Ciidda Carafo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxaa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ay leeyihiin maalmahan barakeysan ee bisha Carafa oo astaan u ah isu-naxariisashada, ilaalinta dadnta guud iyo midnimada dadka muslimiinta.

“Maalmahan barakaysan ee bisha Carafo waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmo ay kumannaan muwaadiniinteenna ah u jiheystaan sanad kasta, gudashada waajibaadka Xajka iyagoo naftooda, dadkooda iyo dalkoodaba Alle uga barya naxariis, barwaaqo iyo wanaag oo idil”.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ugu hambalyeeyay geesiyaasheenna Ciidammada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, guulaha isdaba joogga ah ee ay kasoo hooyeen hawlgaallada ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada Alshabaab.

“Waxaan u dabbaal degaynaa Ciiddan iyadoo geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka Sida ay ka xoreeynayaan milayshiyaadka argagixisada ah deegaanno hor leh oo cadowgaasi ay ku dhibaateynayeen dadkeenna, kana soo maleegayeen dhagarta iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed”.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si aynu wadajir ugu qeybsanno farxadda ciidda.

Madaxweyne Maxamed Cabdalla Farmaajo waxa uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciiddan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.

Goobjoog News

Related Articles

12 Comments

  1. Fun Enjoyment & Night Club Escorts woman in Ahmedabad giving the maximum beguiling and ingesting up Independent Call Girls in Ahmedabad younger girls that are the pioneers of marvels. Each one of the younger girls we utilized from Ahmedabad is tall and provocative which are to a mind-blowing degree scorching and idealize towns which vanish out all of your strain internal a few minutes.

  2. Bilaash-Xayte, Ballan-ku-beenle, Wax-ma-Tare, Fulay, Talo-Xume, Karti-laawe. Bukaan-socod, Laba-miirre, Autistic Farmaajo soon to leave office empty-handed.
    Wixii uu umadda ka xaday oo dhan wuxuu ku bixiyay laaluush, la dagaalanka maamul goboleedyada, rididda Guddoomiye Barlamaanka Jawaari, inqilaabka Baydhabo ee uu ku keenay Lafta Gareen, isku daygii inqilaabka Gal Mudug oo uu ku guul darreystay, ka taqalusidda Mukhtaar Roobow, garbaduubka shacabka Muqdisha, weerarka Cabdiraxmaan CabdiShakuur, weerarka guriga iyo qoyska Cabdi Qeybdiid. Weerarka uu hadda ku hayo ismaamulka federaalka ah ee Jubba. Maanta lacag gacantiisa kuma harin, wax u suurta galayna ma jiraan:
    Horaa loo yiri:
    DAD WAXAA U DARAN NIN DAALOO, DANTIISUNA AY KA DURUGTAA. Caynkaas farmaajaa maanta taagan.
    Wuxuu hoosta ku wataa Axmed Daflihii NSS-ta madaxa u ahaan jiray waagii Afweyne, Maxamuud Geellihii madax ka ahaa maxkamadddii kawaanka aheyd ee loo yiqiinnay Maxkamada Badbaadada, Dembiile gacan-ku-dhiigle Morgan, etc. oo dhammaantood masuul ka ahaa burburkii ku yimid dawladdii adeerkii Afweyne.

    Habaar qabe Farmaajo waa ina dhaafay hadda ee Soomaaliyeey dib isugu noqo oo ha soo celinina Farmaajo iyo wax la mid ah oo ciil qaba, rabana inay soo celiyaan diktaatooriyaddii Afweyne.
    Soomaalina waxaa u taal hawsha ah sidii loo sixi lahaa heshiisyadii ee uu afar dekadood uugu saxiixay Itoobiya.
    AYAX TEG EELNA REEB. Inkastoo ay heshiisyadaas yihiin wax-kama-jiraan ilaa uu ka ansixinaayo Barlamaanka dalka oo
    aan weli la horgeyn.

  3. What Will Outdated Cephalexin Do Dosage For Keflex Pulvules 500 Mg Comprare Cialis Online Originale [url=http://cialisab.com]cialis without prescription[/url] Forgot To Refrigerate Amoxicillin Baclofene Arret Cigarette

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW