U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo oo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Masuuliyiin Ka Tirsan Maamulka Gobalka Banaadir

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xilalkii ka qaaday guddoomiye ku xigeenkii arrimaha maaliyadda iyo maamulka Ibraahim Mahad Alle iyo guddoomiye ku xigeenkii gobalka Banaadir ee howlaha guud Fiidoow, isaga oo magacaabay masuuliyiin cusub.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Mudane Axmed Xasan Iimaan inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, halka Cumar Cali Cabdi loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Gobolka Banaadir ee Hawlaha Guud.

“Madaxweynaha ayaa markii uu arkay in ay jirto baahi loo qabo in loo magacaabo Gobolka Banaadir K/xigeennada Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Hawlaha Guud. Markii uu tixgeliyay khibradda shaqo ee ay mudanayaashan xilkan loo magacaabayo u leeyihiin howlaha loo magacaabay waxa uu soo saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada guddoomiye Ku Xigeen inuu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla,

Waxaa la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub, wuxuuna dhaqangalayaa  26ka Abriil, 2020.

Goobjoog News