U bood dhigaalka

Madaxweyne Guudlaawe oo ATMIS Kala Hadlay Ka Qeybgalka Howlgallada Ka Socda Hirshabeelle

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Dowladda  Goboleedka  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa waxaa uu kulan la qaatay Taliyaha guud ee ciidamada hawlgallada  ciidamada midowga Afrika ee ATMIS  Gen Ndegeya Diomede  oo uu wehliyo iyo Taliyaha Secter five ee ciidanka howlgalka midowga Afrika ee ATMIS.
Kulankaan oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Arrimaha Gudaha, taliye Ku xigeenka iidanka booliska Hirshabeelle, taliyaasha guutooyinka 3aad iyo 4aad ee ciidanka XDS, agaasimaha guud ee madaxtooyada iyo Lataliyaasha Xafiiska Madaxweynaha ayaa looga hadlay arrimaha amniga, howlgallada ka socka
Madaxweyne  Cali Guudlaawe  ayaa la wadaagay taliska ATMIS  Gen Ndegeya Diomede in door muuqda ay ku yeeshaan howlgalla ka dhanka ah  Al-habaab ee ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ay ka wadaan qeybo badan oo ka mid ah Hiiraan iyo shabeellaha dhexe, iyagoo la wareegay dhul badan.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ay si dardar leh uga socdaan Hiiraan, kaas uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, waxaana ay Al-shabaabay  kala wareegeen deegaanno dhaca bariga iyo galbeedka gobolka oo meelaha qaar lagu dagaalamay.
Goobjoog News