U bood dhigaalka

Madaxweyne Laftagareen iyo UN-ka oo Kawada Hadlay Xaaladda Abaaraha

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Baydhabo kula kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobey oo ay hoggaaminaysay Ku xigeenka madaxa arimaha gurmad ee Hay”addaha iyo Hay”adda UNOCHA.Marwa Ghada Eltahir Mudawi oo gaartay magaalada.

Kulanka oo waqti badan qaatay ayaa waxaa inta badan looga hadlay xaaladda abaaraha ee ka jira deegaannada maamulkaas, waxaana uu ka dalbaday hey’adaha in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax ugu qabtaan shacabka la daala dhacayo abaaraha iyo go,doonka kaga imaanaya Al-shabaab ee deegaannada qaar saaran.

Kulanka ayaa waxaa madaxweyne Laftagareen ku wehlinayey xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, Lataliyeyaashiisa qaar iyo agaasimaha guud ee mmadaxtooyada Koonfur Galbeed, deegaannada maamulkaas ayaa xiligaan waxaa ka jira abaaro dadka iyo duunyada saameeyey oo ay u dheertay go’doonka deegaannada qaar ee Al-shabaab ay ku hayaan.

Goobjoog News