U bood dhigaalka

Madaxweyne Laftagareen oo La Kulmay Bulshada Xudur Ballanqaadna u Sameeyey

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xalay kulan magaalada Xudur gobolka Bokool  kula qaatay bulshada ku dhaqan magalaada qeybaheeda kala duwan, dhaqan iyo haweenka, kuwaas oo muddooyinkii dambe wajahayey xaalad nolol xumo oo ka dhalatay go’doonka saaran Xudur.

Madaxweynaha ayaa marka laga soo tago bulshada degmada waxaa uu sidoo kale la kulmay guddoomiyeyaasha Koonfur Galbeed ugu magacaaban deegmooyinka Tiyeeglow iyo Rabdhuurre, madaxweynaha ayaa balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu soo gurman doono bulshada ku dhaqan gobolka Bokool ee kala go’doonsan.

Mid kamid ah odayaasha dhaqanka oo ka warbixiyey kulanka ayaa yiri” Waxaa uu la kulmay maamullada sedexda degmo Xudur, Tiyeeglow, Rabdhuurre dhammaan maamulkii gobolka iyo bulshada, sihoose ayaa la isku wareystay xaalada  magaakada Xudur, waxaana rajo ka qabnaa haddii madaxweynaha uu joogo in barnaamijkeenna wax laga qaban doono, culeesyada jiro ayuu u yimid  madaxweynahana waa uu ballan qaaday arrintaas” ayuu yiri Odayga.

Magaalada Xudur  ayaa bilihii ugu dambeeyey maalinba maalinta ka dambeyso waxaa sii xumaanaysay  xaaladda nololeed ay wajahayaan bulshada ku dhaqan magalada, oo muddo go’doonsanaa waxaana go’ay raashinkii yaallay magaalada iyadoo beerihiina ay ku dagay Ayax, waxaana la ogeyn tallaabada uu qaadi doono Laftagareen iyo madaxda dowladda oo muddo aan ku guuleysan in ay gobolkaan u furaan waddooyinka ay wax u soo maraan.