U bood dhigaalka

Madaxweyne Laftagareen Oo Sameeyay Xil Ka Qaadis Wasiiro, Kuwa Kalane Magacaabay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Konfur galbeed Soomaaliyaa Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa waxa uu xil ka qaadis ku sameeyay qaar ka mid ah golahiisa wasiirada isaga oo soo magacaabay kuwa kale.

Laftagareen ayaa waxa uu xilalkii ka qaaday wasiirada kala ah wasiirka waxbarashada Cabdiraxmaan Cusmaan Malaaq, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Feysal Cabdulaahi Cali iyo wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada maamulkaasi Jibriil Maxamuud Aadan.

Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa waxa uu xilalkaasi u magacaabay wasiirada kala ah Maxamed Yuusuf Xasan oo loo magacaabay wasiirka waxbarashada, halka wasiirka shaqada iyo shaqaalaha loo magacaabay Cabdulqaadir Cumar Cabdulaahi iyo cabdifitaax isxaaq Maxamed oo laga dhigay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada maamulkaasi.

Magacaabistan ayaa dhaqan galeysa maanta oo taariikhdu tahay 24-ka bisha.

Goobjoog News