U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor: Dekadda Hobyo Waxaa La Dhisayaa Dabayaaqada 2020-ka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ka qeyb galayey munaasabadda daahfurka dekadda magaalada Hobyo, ayaa sheegay in dhismaheeda la bilaabayo dabayaaqada sanadkaan 2020-ka.

Madaxweynaha ayaa xusay in dekadda dhismaheeda la bilaabayo dhowwaan “Waxaan rabaa inaan iraahdo, dekadda caawa howsheeda halkan lagu galay Hobyo shaqada bilowga dekadda waxaa la bilaabayaa sida noo qorsheysan, sanadka cusub inta uusan dhalan, meel ayaa wax noo joogaan meesha ay noojoogaan ayaan ku dhisaynaa, inta naga dhimman ayaan dhisaynaa, intii lagu tashaanaa oo dhimmanaa caawa ayaa la gaaray. sidaas darteed qorshayaashii aan sameynay waa ay najaxeen waqtina waa ay leeyihiin lagu sameeyo qiimeyntii laguna bilaabo dekaddii, waana xiliga aan sheegay dekaddiina xiligaas ayey noo bilaabanaysaa waa inta laga iyo sida loo dhiso ayey noqonaysaa” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.

Madaxweynaha sii hadlayo ayaa yiri” Waxaan rabnaa sida aan ugu midaysannahay, Galmudug mid ah, caawa gacanta noogu jirto, la isugu tagay dib u dhiska dalka, Allah idankiis, dib uga noqon mayno, sabab dib noo celin kartaana majirto. Waxaan leenahay meel walbo oo aad joogtaan reer Galmudug dalkiina dhista, u soo jeesta, halkaan caawa waxaa fadhiya hoggaankii ama madaxdii reer Galmudug, oo la dhihi karo Soomaalina waa ay u yihiin, wax kasta oo faa’iido ah oo Galmudug ay gaarto Soomaali ayaa gaartay, Soomaali oo dhan ayaa ka faaiideysanaysa. waxaan rabnaa meel weliba aad joogtaan inaan idiin kalsooni gelinno oo idiin dhiiro gelinno” ayuu yiri  madaxweyne Qoorqoor.

Hadalka madaxweyna ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo dhowr jeer lagu fashilmay dhismaha dekadda Galmudug, maadaama ay ka jereen xasiiloni darro siyaasadeed, hadda ayaana waxaa hormuud ka ah dhismaha dekadda ganacsato reer Galmuduh ah, wolow dowladda Qatar ayaa ka mid ah dowladaha ka taageerayo dhismaha Hobyo,

Googjoog News