U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor Oo Dhagax Dhigay Xarunta Madaxtooyada Galmudug Iyo Xarumo Kale

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta waxa uu daahfuray Mashruuca dhismaha Madaxtooyada Galmudug iyo afar wasaaradood.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta daah furay macruuc horumarineed oo lagu dhisayo Madaxtooyada Galmudug iyo sadax wasaaradood sida; Wasaaradaha Maaliyadda, Arrimaha gudaha, amniga iyo qorsheynta.

Hirgelinta mashruucan waxa iska kaashanaya DGM iyo hay’adda SSF.

Madaxweynaha Galmudug ayaan wali la caleema saarin, waxaana haatan uu wadaa qorshe lagu hormarinayo deegaanada Galmudug oo ay ugu horeyso caasimadda maamulkaasi ee Dhuusamareeb.

Image may contain: 1 person, standing and outdoor

Goobjoog News