Madaxweyne Waare oo Shaqada Ka Joojiyay Masuuliyiin Ka Tirsan Maamulkiisa

Wareekto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare  ayaa waxaa shaqadii looga joojiyay wasiir dowlaha wasaaradda dastuurka maamulkaasi ee Saadaq Mukhtaar Cabdulle iyo guddoomiyaha maxkamadda farcfaanka gobalka Shabeellaha dhexe Cali Cabdulle Nuur.

Shaqo joojintaan ayaa timid ka dib markii wasiirkaan lagu soo eedeeyay inuu jabiyay amar la xiriira ka hortagga xanuunka Coronavirus islamarkaana uu sameeyay isu imaatin maadaama maamulka Hirshabeelle wasiir ka tirsanaa uu xanuunkaan u geeriyooday.

Sidoo kale Cali Cabdulle Nuur oo ahaa guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobalka Shabeellaha dhexe ayaa isagane wareektadaan waxaa looga joojiyay shaqooyinkii uu hayay ka dib markii isaga lagu eedeeyay amar jabin ku aaddan ka hortagga COVID-19.

Lama oga tallaabada xigta ee uu qaadi doono madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare ee ku aaddan masuuliyiintaan uu maanta shaqada ka joojiyay islamarkaana ka tirsan maamulkiisa.

Halkaan ka akhriso dikareetada

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW