U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan iyo Madax Hey’adda USAID oo Kulmay

Sheeko:Dalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Gargaarka Maraykanka (USAID) Danjire Samantha Power, kulanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dalka ay ka jirto abaar baahsan oo dadka iyo duunyada saamaysay.
Madaxweyne Xasan Shiikh  ayaa la wadaagay Samantha Power qorshayaasha hortabinta u leh Dowladda Soomaaliya ee dhinacyada wax-soosaarka kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha, iyadoo mudnaanta la siinayo sidii looga maarmi lahaa ku tiirsanaanta gargaarka bini’aadannimo looguna beddeli lahaa maalgashi dhaqaale oo horseeda horumar waara.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey taageerada iyo garab istaagga Hay’adda USAID ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey sii wadista dardargelinta barnaamijyada maalgashiga, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saareyso barnaamijyada lagu horumarinayo maareynta biyaha, dhalinta tamarta, wax ka qabashada caqabadaha isbeddelka cimilada, sii wadidda dowlad dhiska Soomaaliya iyo daadejinta hannaanka Federaalka si ay dadka Soomaaliyeed u gaaraan isku filnaansho buuxda iyo horumar baahsan.
Dhankeeda, Marwo Samantha Power ayaa ballan-qaadday in Hay’adda USAID ay bixin doonto lacag deeq ah oo gaaraysa $470 Malyan, taas oo ka dhigeysa lacagta ay Hay’addu u qoondeysay Soomaaliya $668 Malyan. Deeqdan ayaa loogu talagalay wax ka qabashada abaaraha iyo hormarinta adeegyada muhiimka ah.
Booqashada ay dalkeenna ku soo gaartay Marwo Samantha Power ayaa sii xoojinaysa iskaashiga iyo xiriirka diblomaasiyeed ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Maraykanka, waxaana xilligaan shacabka Soomaaliyeed ay la daalo dhacayaan saameynta ka dhalatay abaarta ku dhufatay gayiga ee dad iyo duunyo saamaysay.
May be an image of 4 people, people standing and indoor
Goobjoog News