U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Imaaraadka oo Kulmay

Sheeko:Dalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Imaaraadka ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhigiisa dalka  Isu-Tagga Imaaraadka Carabta Mudane Sheekh Maxamed Binu Saayid, iyaga oo kawada hadlay arrimo dhowr ah labada mas’uul, kadib safar maalmo qaatay oo madaxweynu ku joogo Imaaraadka.
Kulanka Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale intiisa badan waxaa lagu gurfeeyay  hagaajinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo  fududeynta dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, isu-socdka muwaadiniinta iyo bixinta dal ku galka, maadaama  Imaaraadka xiriirka uu la lahaa Soomaaliya uu liitay sanadihii ugu dambeeyay, uu talada dalka hayey madaxweynihii hore ee Farmaajo.
Madaxweyne Maxamed Bin Saayid ayaa isagu Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ajiibidda marti-qaadkii ay u fidiyeen, waxa uuna soo bandhigay doorka ay dowladdiisu ka qaadanayso gurmadka abaaraha ka jira dalkeenna iyo dib u soo celinta taageeradooda ku aaddan ammaanka iyo adeegyada bulshada ee dowladda Imaaraatku ay ka fulin jirtay dalkeenna.
Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Imaaraatka, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka, taas oo hal kudhig u aheyd Xasan.
Goobjoog News