U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan “La Iiguma Imaan Karo Qof Sidiisaba Shabaab Loo heysto,Cudurdaar Malahan”

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha jamhuuriyadda federalka Soomaaliya oo maanta ka hadlay Masjidka Shuhadaa ee ku dhex yaalla xarunta Madaxtooyada, halkaas oo Salaadda Janaasada lagula tukaday meydka talihii qeybta Booliiska Farxaan Maxamuud Aadan  ayaa waxaa uu digniin u diray dadka lagu soo eedeeyo la macaamilaan  iyo la xiriirka la leh  xoogagga Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in saraakiisha ciidanka ee lamid ah taliye Farxaan ay go’aansadeen in ay dalkooda ay nafta u huraan, waxaana uu Allah uga baryay in Janatul Fardowsa uu ka waraabiyo, marxuumka ayaa shalay ku geeriyooday qarax ka dhacay deegaanka Baskar, xilli uu ugu socday kormeer deegaanno ay la wareegeen ciidanka Booliiska Haramcad.

” Adduunyadaan maalin ayaad leedahay oo dhimanee sharaf iyo karaamo ku dhimo, Illaahey dambigooda ha dhaafo, Illaahey Qabrigooda ha u waasiciyo, Illaahey Janadii Fardowsa haka waraabiyo, Umaddaan in naftooda ay u bixiyaan, waa go’aan iyagu ay gaareen, lama qasbin, laguma riixin, iyagaa go’aan gaaray, in culeyska saaran iyo dhibka ay ka dul qaadaan” ayuu yiri xilli uu ka hadlaayay masjidka Janaasada lagula tukaday saraakiisha ku geeriyootay qaraxii Basra ka dhacay.

” Waan u sheegeynaa dadka Soomaaliyeed, waan ka waaninaynaa markale, waan u caqli celinaynaa, waan uga diganynaa, Cudurdaar ma lihid, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhahaayo la iiguma imaan karo qof sidiisaba Shabaab loo heysto,Cudurdaar malahan anigaan la iigu imaan karin, saraakiisha ciidanka ayaan loogu tagi karin, ninkii nin Shabaab ah dabasocda waa Shabaab kalkaal, Nabaddoon ma ahan, Xildhibaan ma ahan, waxba ma ahan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay Talihii ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Marxuum Farxaan Maxamuud Aadan, kaas oo geeriyooday maalinimadii shalay, waxaana maanta lagu aasay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qaybgaleen, madax ka tirsan dowladda iyo saraakiisha ciidanka qeybahooda kale duwan iyo bulshada qeyb kamid ah.

Goobjoog News