U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Ka Qeyb Galay Janaasadii Marxuum Shirwac+Sawirro

Sheeko:Dalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masjidka Isbahaysiga Islaamka uga qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariisto Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo xalay ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Marxuumku uu ahaa Samafale si mutadawacnimo leh ugu soo adeegay dadkiisa iyo dalkiisa, isagoo xusay in uu door weyn ka soo qaatay nabadeynta bulshada, midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed muddadii uu noolaa.
“Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Shirwac, waxa uu ahaa Muwaadin waqtigiisa u huray xoojinta dowladnimada, nabadeynta iyo caawinta dadka Soomaaliyeed, isaga oo aqoontiisii iyo waayo aragnimadiisii ku bixiyey horumarinta arrimaha bulshada”ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay, Shirwac oo maalmihii tagay ku jiray xaalad Kooma ah ayaa xalay xilli dambe ku geeriyooday caasimadda.
May be an image of 5 people and people standing
May be an image of 6 people, people standing and indoor
May be an image of 4 people and people standing
May be an image of 9 people and people standing
May be an image of 10 people, people standing and indoor
May be an image of 15 people and indoor
Goobjoog News