U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Kulan La Qaatay Dhallinyarada iyo Haweenka Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa kulan is-xogwaraysi ah kula qaatay magaalada Baydhabo Dhalinyarada iyo Haweenka deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyaa ayaa dhallinyarada iyo Haweenka kula dar daarmay dardar gelinta kaalintooda ku aaddan bulshada maadaama ay yihiin ugub dhaxaadka ummadda Soomaaliyeed , madaxweyne Xasan ayaa dhallinyarada u sameeyay dhowaan ballaqaad lagu hormarinaayo meel waliba ay joogaan lana siinayo fursado shaqo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ayaa kusugan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed, waxaana maanta uu booqday xeryaha ay ku noolyihiin dadka Barakayaasha ah, waxaana uu baaq u diray bulshada iyo hey’ada deeqa bixiya in si deg deg ah loogu gurmado dadka Abaartu saamaysay ee ku dhaqan gobollada kale duwan ee dalka.

Goobjoog News