U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan oo Xilka Lagu Wareejiyay

Sheeko:Dalka

Madaxweynah Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka madaxweynaha dalka uu kala wareegay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Munaasabadda Xilwareejin Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa ka soo qayb galay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, madax xilal sare ka soo qabtay dalka, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyey  Madaxweynihii ka horeeyay  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaamintiisii dalka, dadaalkii uu geliyey dowlad-dhiska iyo hormarinta, waxaana madaxweyne Xasan Shiikh goobta kula wareegay Feylasha qaranka oo lagu wareejiyay.
Madaxweynihii sagaalaad ee dalka  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyey  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo Alle uga baryey in uu fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay si buuxda ula shaqeeyaan dowladda cusub.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta la wareegay xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaana 15-kii bisha loo doortay inuu noqdo madaxweynihii 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, waxaa uu la wareegay xilika isaga oo kala wareegay Farmaajo madaxweynihii 9-aad ee dalka.
Goobjoog News