Madaxweyne Xasan Sheekh: Qoomkii  Isquursadaa, Qoom Kale Ayuu Qoryaha u Guraa

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka la wadaagay hambalyada munaasabadda ciidul fidriga ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo uu sheegay in la qaldan yihiin siyasadda.

Mudane Xasan oo arrinkan ka hadalaya waxa auu yiri “Beryahan siyaasadda waa tii laga qeyliany ee waxaan leeyahay, dalkan kheyraad naguma yara, nimca ilaahey siieyey naguma yara, meel ilaah dad ku abuuro, meelaha ugu fiican ayaan joognaa, ku abuuranahay, hal cilad ayaan leenahay, waan tashan la’nahay, siyaasaddana waan ka heshiin la’nahay, wax waa isu ogolaan la’nahay, waa isu dhimrin la’nahay, waa isaqbali la’nahay”

Xasan Sheekh oo sii-hadlaya “Soomaaliyey aan isaqbalno, aan isdhageynasno, aan is qadarinno, kii waaya arag kii aan waayo arag aheyn ka weydiiyo…, nin walbo meesha uu ku fiican yahay aan ku ixtiraamno, uga dambeyno, oo aan dhageysanno,

Ugu dambeyntii, waxaa uu sheegay in haddii midnimo la waayo ay dad kale naga faa’ideysan doonaan isaga oo yiri “Qoom fiican, xoog leh, sharaf leh, musliim ah oo soomaaliya ah, oo karaamo leh aya nahay qoom kale oo naga liilato yaanan qoryaha u gurin, Qoomkii  Isquursadaa, Qoom Kale Ayuu Qoryaha u Guraa”.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW