U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Booqday Ciidamo Lagu Tababarayo Qatar

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ku sugan magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa booqday xero lagu tababarayo Saraakiil iyo Saraakiil xigeenno ka tirsan xoogga dalka, kuwaas oo muddo ku tababaranayay dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa ciidanka la wadaagay ciidanka rajada laga qabo in ciidankaan ay hormuud ka noqdaan dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka xoogga dalka, isaga oo kaga mahadceliyey dowladda Qatar doorkan kuu aaddan dib u dhiska Ciidamada Cirka, Barriga iyo Badda.

Dowladda Qatar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha sida aadka u dhow u taageera dowladda Soomaaliya, xilli ay jiraan Mashaariic dhanka hormarineed oo Qatar ay ka fulisay Soomaaliya, sida labada wado ee Balcad iyo Afgooyo iyo mashaariic kale oo ay fulisay.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa safar laba maalin ah waxaa uu ku joogaa dalka Qatar, kadib markii uu casuumaad ka helay amiirka dalkaasi, waxaan kulan ay wada qaateen looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xoojinta iyo iskaashiga labada dal ee amina iyo dhaqaalaha.

Goobjoog  News