U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Gaaray Uganda, Waa Maxay Ujeedka Safarkiisa?

Sheeko:Caalamka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay booqasho uga bilaabatay dalka Uganda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Kampala ee Caasumadda dalkaas, waana booqashadiisii labaad tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha 15-kii May sanadkaan 2022-ka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo waxaa uu la qaadan doonaa madaxweynaha dalkaas, kuwaas oo ku qotoma xoojinta iyo garab istaagga halganka dalka lagaga xoreynayo  Alshabaab sida lagu xusay qoraal lagu baahiyay bogga madaxtooyada Soomaaliya, Uganda ayaa ciidan badan waxaa ay ka joogan dalka, kuwaas oo taageera CXD.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kala qeyb geli doonaa Madaxda dalalka Gobolka xuska 60-guurada Uganda ee ka soo wareegtay xornimadooda, iyadoo Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka Uganda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degayaan maalmahan, isagoo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doworka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Goobjoog News