U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Qaabilay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR)

Sheeko:Dalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay madaxa hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR) mudane Filippo Grandi, kaas oo dalka soo gaaray, waxaana garoonka kusoo dhoweeyay wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Filippo Grandi xaaladda abaaraha dalka, taas oo saameyn ba’an ku yeelatay dadka iyo duunyada iyo qorshaha dowladda ee wax looga qabanayo dhibaatooyinka horseeday barakaca gudaha ay dadku barakaceen kasoo hayaamay abaaraha iyo dagaalka ciidanka dowladda iyo Al-shabaab.
Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda yaa tilmaamay in dowladda ay ka go’antahay in waqti kooban dalka laga saaro Al-shabaab, si gurmad loo gaarsiiyo shacabka tabaaleysan, waxa uuna ku bogaadiyey taageerada iyo garab istaagga hay’adda UNHCR ee shacabka Soomaaliyeed.
Filippo dhankiisa,Grandi ayaa soo dhaweeyay qorshaha dowladda ee wax looga qabanayo amniga, taasi oo fududeyneysa in dib u dajin iyo gargaarba loogu fidiyo barakacayaasha waxa uuna ballanqaaday in ay kordhindoonaan dhaqaalaha lagula tacaalayo xaaladda abaaraha iyo barakacayaasha Soomaaliya.
Goobjoog News