U bood dhigaalka

Magaalada Kismaayo oo ay Ka Socoto Qabanqaabada Madasha Shirka Arrimaha Gargaarka

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Wasiirada Gargaarka Dowlad Goboledyada Hirshabelle, Koonfur Galbeed,Galmudug iyo Agaasimaha Gargaarka Gobolka Banaadir ayaa maanta Booqday Xarunta dhexe ee Wasaarada Gargaarka Dowlad goboleedka Jubbaland,waxaana halkaas ku soodhaweeyey Wasiirka Gargaarka jubbland Axmed Xasan Cumar iyo dhamaan shaqaalaha wasaaradda.

Masuuliyiintan ayaa kormeray qeybaha wasaradaan iyaga oo xarunta wasaradan ku yeeshay kulan ay uga hadlayeen qaban-qabada shirka madasha xiriirka arrimaha bini’aadantinimada oo berri kismaayo ka furmaya,kaas oo muhiim u ah dalka xilli meelaha qaar dalka abaaro iyo fatahaado ay ka jiraan.

Kismaayo waxaa ka socta qaban-qaabadii ugu danbeysay ee furitaanka shirkaan,oo ay ka qeybgalayaan wasiirada Gargaarka Dowladd Goboledyada ,beesha caalamka, madaxda hay’adda maareynta Qaranka, kaas oo siweyn looga hadlayo arrimaha Gurmadka.

Goobjoog News